Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa illaa saaka isa soo taraya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay afaafka Hore ee maqaayadda Blue Sky oo ku dhow Taalada Xaawo-Taaako ee magalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa ayaaa yimid, kadib markii nin naftii hure ah uu isku qarxiyey maqaayaddaasi, waxaana halkaas ay waxyeelo ka oo gaartay dad shacab ah iyo askar.

Ugu yaraan illaa shan qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 10 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa war ka soo saaray qaraxaasi, isaga oo tacsi u diray ehellada dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caddeeyay in hagardaamada aragagixisadu aysan hakin doonin dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan nabad ku soo dabaalidda dalka.

“Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii argagixisadu galabta ka geysteen Muqdisho.Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Waxaan caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadka dhaawacmay”, ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa raaciyay, “Xagjirku waxay beegsanayaan rayidka si ay u dilaan tirada ugu badan ee shacab ah. Ujeedkooda ugu weyn waa inay muujiyaan inay dad dili karaan, balse ma lahan hadaf iyo ujeeddo ay u dagaallamayaan, mana matalaan Islaamka iyo dhaqankeenna suubban oo reebaya in la laayo dad aan waxba galabsan”.

Sii Hayaha xilka reysulwazaaraha xukumada somaliya ayaaa kamida dadka Ka hadlay qaraaxaasj isagoona sheegay  in dowladu ay oga  xuntahay falkaasi islamarkaana ay cambaareyneyso

Sido kale waxaaa ka hadlay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magalada muqdisho cumar finish isagona shegay in qaraxasi uu ahaaa mid aad ay oga xunyihiin dowlada dhexe eee somaliya waxa uuna caafimad eebe ugu rajeeyey inta ku dhawacantay qaraxasi iyadona sido kale inta dhimatay uu eheladoodi oga rajeeyay in samir iyo iiman eebe uu ka siiyo

Waxa oo kale duqa gobolka Banaadir uu shegay in shacabka aysan ka niyad jabi doonin dowladnimada isagona sido kale shacabka ugula dar,daarmay in ay ladagalaman alshabaab si markaasi ayna garab usiiyan cidamada dowlada somaliya

Shalay ayey aheyd markii ruux sitay gaari islamarkana ay ku xiranyihin waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaaxi ay fadhiyeen dad shacab ahaaa eee udhow agagaarka maqaaxida Blue sky

View the full article

Share this post

Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this