Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo warbixin buuxda kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ee maqaayadda Blue Sky

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxii galabta makhribkii ka dhacay maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho lagu dilay seddax qof oo shacab ah, isla markaana lagu dhaawacay todoba kale.

War-saxaafadeedka ka soo baxay dowladda ayaa lagu cambaareeyay qaraxaas, waxaana lagu sheegay in uu fuliyey qof naftiisa halige ahaa, oo isku qarxiyey shacab ku sugnaa maqaayad lagu magacaabo Blue Sky oo aad ugu dhaw barta-control ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya, taas oo u dhaw taalada Waaxa-taako.

Dadka ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ahaa wiil aad u yar oo caseeye ahaa, sidoo kale waxaa ka mid ahaa Saydow Abuukar iyo Maxamed Cali Guure oo isna ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaana dadkii ku dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka.

“Dowladda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkaas nafti halignimada ahaa. Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehellada dadkooda ku waayey qaraxaas, waxayna Alle caafimaad uga rajeyneysaa dadka ku dhaawacmay,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo goor dhaw ka soo baxay dowladda.

Waa markii 6-aad oo qarax lala eegto Maqaayadda Blue Sky oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka, oo ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo.

WAR-SAXAFADEED-09-09-2020-1.jpg

The post DF oo warbixin buuxda kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ee maqaayadda Blue Sky first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this