Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare: Ma aqbalayno wax aan ahayn go’aankii Dhuusamareeb 3

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15996675232996339.jpg?resize=720%

Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn u jeediyay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadal ka jeediyay shirkii Baydhabo ayaa sheegay in shirkii Dhuusamareeb 3 ay go’aanka ka soo saareen, markii wax jawaab ah laga waayay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, isagoo intaas ku daray inay saameeyeen dadaalo badan, si loo qanciyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xusay in aysan aqbalayn wax kale, haddii aan la teegeerin heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Meeshaan ka maqanahayna lama joogo, waxa aan oranna lama dhihin, annaga nama qabato, heshiiskii haddii la daba socdana waan arkaynaa, haddii kalana meeshaan uga dhaqaaqaynaa” ayuu yiri Waare.

Dhanka kale madaxweyne Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sheegay in madaxweyanayaasha Puntland iyo Jubbaland ay diidmadii shirkii Dhuusamareeb 3, shuruud uga dhigeen magacaabista Ra’iisul Wasaare cusub, hayeeshee iyada oo weli la magacaabin ay hadana tageen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ugu baaqay in ay la yimaadaan qorshayaal cad si wada-hadalladu miro u dhalaan.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa markii uu u soo dhammaaday shirkii Baydhabo soo gaaray Muqdisho, waxayna gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaateen safiiro ka tirsan Beesha Caalamka oo hoggaaminayo safiirka Mareykanka.

Berri oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shirka dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Waare: Ma aqbalayno wax aan ahayn go’aankii Dhuusamareeb 3 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this