Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug oo yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho kadib kulan wadatashi ah oo ay kusoo qaateen magaalada Baydhaba.

Axmed Qoorqoor, C/Casiis Lafta-gareen iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde International Airport, waxaana la filayaa iney kulan qorsheysan la qaadan doonaan xubno ka tirsan beesha caalamka.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka, waxaana rajo laga qabaa iney ka mid noqdaan shirka ay iclaamisay dowladda Federaalka oo berito ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Shirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa loo soo raray caasimadda kadib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku qanci waayeen wixii kasoo baxay magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba berito oo ku beegan 10-ka September waxaa loo fadhiyaa inuu qabsoomo shir ballaaran oo looga arinsanayo xaaladda kala guurka ee wadanka, nuuca doorashada iyo wakhtiga ay qabsoomi doonto.

The post Madaxweynayaasha, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed & Galmudug oo yimid Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this