Deeq A. Posted September 9, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wafdiga uu hoggaaminayo Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi, si weyn ugu soo dhoweeyey dhiggiisa Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen. Qoor Qoor ayaa ka qeyb-galaya shir wada-tashi ah oo ay yeelan doonaan isaga, Madaxweyne Lafta Gareen iyo Waare. Shirkaas ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada, wuxuuna goor dhow ka dhici doonaa xarunta madaxtooyada ee Baydhabo. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites