Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay tacadiyada loo geysto suxufiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta xeer ilaaliye gaar ah u magacaabay tacadiyada loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed, si cadaaladda la hor keeno dadka ku lugta leh dambiyada ka dhanka ah dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in gacanta lagu soo dhigo kuwii abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka & Waxyeeleynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladda ay kordhineyso dadaaladda lagula xisaabtamayo shaqsiyaadka ku eedeysan tacadiyada ka dhanka ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed, inkastoo warqadan aan lagu xusin magaca xeer ilaaliyaha la magacaabay.

Horey wariyeyaashu uma laheyn xeer ilaaliye u gaar ah oo dabagal ku sameeya dhibaatada loo geysto bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa lagu tirayaa dalalka sida weyn loogu beegsado suxufiyiinta oo wajahaya, dil, dhaawac iyo hanjabaad intaba.

119109983_3002605746516069_4652731821300

 

 

The post Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay tacadiyada loo geysto suxufiyiinta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this