Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Ayuu Maxamed Bin Salmaan Ku Noqdo Dhaxal Sugaha Koowaad Ee Boqortooyada Sacuudiga??

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo markii uu aabihii la wareegay boqortooyada, si deg deg ah ayaa loo dalacsiiyay Amiir Maxamed Bin Salmaan, boqortooyada in uu la wareega waxaa hadda ka xigta hal tallaaba oo kali ah.

Sannadihii dhawaa waxaa sii kordhayay awoodaha iyo galaangalka amiirkan da’da yar.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa dhowr arrimood oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Awoodda uu ku dhex leeyahay qoyska boqortooyada ayuu xoojistay
Aabihii ayuu aad ugu dhawaa xitaa ka hor inta aanu noqonin boqor. Sannaddii 2009, Amiir Maxamed wuxuu la taliye gaar ah u ahaa aabbihii oo markaa ahaa guddoomiyaha gobolka Riyaadh.

Tallaabadii ugu weynayd ee sare u kiciisa siyaasadeed waxay timid bishii April ee sannadii 2015 markaas oo boqor Salmaan uu magacaabay jiil cusub oo dhaxal suagayaal ah.

Boqorka walaalkii, Murqin bin Cabdul Casiis ayaa sannadaasi la eryay waxaana lagu badalay oo dhaxal sugaha koowaad noqday Maxamed bin Nayef.

Waxaana dhaxal sugaha labaad laga dhigay boqor Salmaan wiilkiisa Amiir Maxamedka oo markii dambena la dallacsiiyay.

Wuxuu sidoo kale ahaa ra’iisalwasaare ku xigeen.

Tallaabooyinkii dhinaca milatariga
Markii uu boqor Salmaan la wareegay boqortooyada 2015, wuxuu wiilkiisa Amiir Maxamed ka dhigay wasiirka difaaca.

Waxaa lagu tilmaamay inuu nqoday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa dunida markii uu xilkaasi la wareegay isagoo 29 sanno jir ahaa.

Laba bilood ka dib markii uu xilkaasi la wareegay, Sacuudiga wuxuu hormuuud u ahaa olole millatari oo lagu qaaday dalka ay deriska yihiin ee Yemen.

Isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaaminayay ayaase ku guul-darreystay inuu ka caawiyo Madaxweyne Cabdirabbah Mansoor inuu dib ugu laabto caasimadda ay fallaagada gacanta ku haysa ee Sanca.

Dhaqaale aan saliid ku tiirsanayn
Bishii April ee sanaddii 2016 ayaa amiir Maxamed oo sidoo kale ahaa madaxa Golaha Dhaqaalaha iyo Horumarka ee Sacuudiga waxaa uu daaha ka rogay isbedello waaweyn oo dhinaca dhaqaalaha ah oo ujeedadu ahayd in lagu soo afjaro ku tiirsanaanta boqortooyada ee dakhliga shidaalka.

Waxa uu sheegay in qorshaha aragtida fog ee 2030 uu tiigsanayo sidii lagu hubin lahaa in Sacuudiga isagoon ku tiirsanayn dakhliga saliida uu sii jira marka la gaaro 2020.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa qorshahaasi ku tilmaantay ‘hami u baahan dadaal badan’. Waxayse ka digtay in fulinta mashruucan ay dhibaatooyin la soo gudboonaan karaan.

Xidhiidhka Iran isbedel ha filanin
Bishii la soo dhaafay, Amiir Maxamed wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada in dalkiisa uu wadahadal la yeesho dalka Iran.

Labada dal waxay kala taageerayaan dhinacyada ku dagaalamayo dalalka Yemen iyo Suuriya.

Xidhiidhka Riyaadh iyo Tehraan ayaa sii xumaaday ka dib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay daldaleen wadaad Shiica ah oo caan ahaa , Nimr Al Nimr

Dowladda Iiraan ayaa dallacsiinta Amiir Maxamed ku tilmaantay afgembi dabacsan.

Waa aabbe dhalay afar carruur ah
Maxamed bin Salmaan wuxuu dhashay 31-kii bishii Agoost sanaddii 1985. Waa wiilka ugu weyn xaaska seddxaad ee boqor Salmaan ee Fahdah bint Falah bin Suldhaan.

Amiirada kale ee Sacuudiga wuxuu kaga duwan yahay in waxbarashadiisa gebiahanateedba uu ku qaatay gudaha Sacuudi Carabiya.

Maadada qeynuunka ayuu ku diyaariyay jaamaccadda King Saud ka hor inta aanu ka shaqeyn dhowr waaxood oo dowladdu leedahay.

Hal xaas oo kali ah ayuu qabaa oo u dhashay laba wiil iyo laba gabdhood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this