Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Xaqiijiyay Inay Duqeyn Ku Dileen Hoggaamiye Xilal Badan Ka Soo Qabtay Ururka Al-Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Taliska ciidammada Maraykanka Afrika ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen duqeyn ay ka geysteen dallka Soomaaliya 25-kii bishii August ee sannadkan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo ka dhacday degmada Saakow lagu diley Cabdqaadir Komaandoos oo Maraykanka uu ku tilmaamay inuu xilal badan ka soo qabtay ururka Alshabaab.

“Duqeyntan oo lagu qaaday wadnaha Alshabaab waxa ay tahay mid hoos loogu dhigayo awoodooda iyo sidii aysan dhibaatooyin kale uga geysan lahaayeen dalka Soomaaliya iyo dibadiisaba.”ayaa yidhi taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend,

Generalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan inay dowlada Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii cadaadis lagu saari lahaa argagaxisada.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu xusay in tan iyo bishii January ee sanadkan illaa 46 jeer duqeyn ay ka geysteen dalka Soomaaliya.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegayin sannadkan ay duqeymaha ay ka geysteen Soomaaliya lagu diley saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo ay ka mid yihiin Bashir Mohamed Mahamoud, oo loo yiqiin Bashir Qoorgaab, Yusif Jiis iyo duqeyntii ugu dambeysay ee lagu diley Cabdqaadir Komaandoos.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this