Sign in to follow this  
Deeq A.

Beyle oo Caalamka la wadaagtay saamaynta dhaqaale ee Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo ku aadan saamaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19 uu ku keenay dhaqaalaha caalamka, kaas oo ay qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo aaladda internet-ka ee tooska ah ku qabsoomay.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in shirka muhiimaddiisa uu ahaa sidii looga soo kabsan lahaa saameynta dhaqaale ee waddamada qaar uu u geystay Cudurka Coronavirus, isla markaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka uu cudurku yareeyey dakhligii dawladda soo galayey iyo koboca dhaqaalaha guud ee dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirada maaliyadda 73-wadan iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha, waxaana leysku af-gartay in taageero maaliyadeed la siiyo waddamada soo koraya ee Soomaaliya ka mid tahay, kuwaas oo saameynta dhaqaale uu ku yeeshay Covid-19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this