Deeq A. Posted September 9, 2020 Guddiga doorashada oo ay samaysteen Ismaamulka Tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhacaysa doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay. Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol iyo todobaatan) goobood oo laga codeyn doono, iyada oo ay codka dhiiban doonaan 2.7 malyan oo qof. Doowlada federaalka Itoobiya, ayaa doorashadan ku tilmaamtay sharci darro, waxaana diiday aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan house of federation. Doorashada Itoobiya oo lagu waday in ay dhacdo bishii Agoosto, ayaa dib loo dhigay muddo 9 bilood ah sababa la xiriira COVID-19, balse ismaamulka tigreega ayaa diideen arintaasi. PUNTLAND POST The post Ismaamulka Tigreega oo saaka doorasho qabsanaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites