Sign in to follow this  
Deeq A.

Tijaabada Talaalka COVID 19 Oo La Hakiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waxaa la hakiyey tijaabada lagu waday Daawada Talaalka ugu horreeya ee lagula dagaalamayo cudurka Covid 19, kadib markii uu xanuunsaday qof kamid ah kumanaanka qof ee lagu tijaabinayey daawadan.

Shirkada AstraZeneca oo daawadan sameysay ayaa bilihii lasoo dhaafay waday diyaarinta talaalka ugu horreeyey ee lagaga hortagayo Coronvirus iyadoo kaashaneysay Jaamacada Oxford, waana talaalka ugu muhiimsan ee isha lagu hayo oo maraya heerkii ugu danbeeyey.

Cudurka Covid 19 oo aan illaa iyo hadda loo heyn daawo amma Talaal lagaga hortago ayaa waxaa dadaal weyn loogu jiraa sidii loo heli lahaa Daawada Talaalka oo ay wadaan Jaamacadaha iyo Shirkadaha ugu waaweyn dunnida ee soo saara daawooyinka.

Daawadan Talaalka ee AstraZeneca ayaa ah midda loogu rajada weyn yahay, waxayna daawadan soo martay tijaabooyin badan hadana waxay mareysaa tijaabada ugu danbeysay oo lagu tijaabinayey kumanaan qof oo lasoo xulay, hase yeeshee tijaabadan ayaa la hakiyey kadib markii uu xanuunsaday qof kamid ah dadkii lagu tijaabiyey daawadan.

Hakinta tijaabada ayaa ah mid kamid ah nidaamka lagu xaqiijinayo in xanuunka qabtay qofkaasi ayna la xadhiidhin daawadan tijaabada ah ama inay arrimo kale la xadhiidho, waxaan faah faahin laga bixin qofka xanuunsaday xanuunka haya iyo heerka uu gaadhsiisan yahay.

Shirkada AstraZeneca ayaa kamid ah 9 shirkadood oo daawada soo saara oo hada heerkii ugu danbeeyey maraya tijaabada daawada Talaalka Covid19.

Shirkadan ayaa 31kii bishii hore bilowday inay diiwaangeliso dad gaadhaya 30.000 qof oo ku sugan dalka Maraykanka kuwaasi oo diyaar u ah in daawadan lagu tijaabiyo, tijaabadan oo ah tilaabada ugu dambeysa kahor inta daawadaasi isticmaalkeeda si rasmi ah loo fasixin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this