Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay xadka Somalia & Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya xadka wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan halkaas lagula eegtay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa milatariga Kenya ee dhaq dhaqaaqyada ka wada gobollada Jubbooyinka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada lagula eegtay deegaano hoostaga magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in khasaare kala duwan uu ka dhashay qaraxa, inkastoo aysan weli ka hadlin saraakiisha hay’adaha amniga.

Dhinaca kale Xarakada Al-Shabaab oo dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan illaa 6 askari oo isugu jira Kenyaan iyo Soomaali, sidoo kalena ay ku dhaawacday askar kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan deegaano ku dhow xadka Soomaaliya iyo gobollada Jubbooyinka, waxaana weerarkii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii  60 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this