Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku wajahan waqooyiga gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo in muddo ah ay ka taagneed colaad u dhaxaysa beelo walaalo ah.

Waxgaradka labada dhinac, Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweyne Qoorqoor ku wehliya socdaalka, waxaana qorshuhu yahay in xal dhammaystiran laga gaaro colaadda halkaasi ka jirtay.

Shalay ayaa deegaankaasi laga hirgaliyey heshiis xabad joojin ah, ka dib dadaallo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo ciidamada qaybta 21-aad ee xoogga dalka, Booliska Federaalka ee gobolkaas ka hawlgala iyo ciidanka nabad sugidda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this