Deeq A. Posted September 8, 2020 Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya saaka aroortii ay weerar kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo soo galay gudaha magaalada. Rasaas ayaa waxaa ay dhexmartay dagaalyahannada Al-shabaab iyo ciidamo deegaanka ah, taasi oo keentay khasaare kala duwan. Ilo ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa sheegay in Al-shabaab laga dilay 14 iyaguna ay dileen askari iyo 7 qof oo shacab ah. Ma jirto warar madaxbannaan oo ka soo baxay halkaasi, laakin dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda ay degan tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites