Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor, Waare iyo Laftagareen Oo Ka Arrinsaya Imaanshiyaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed  Axmed Kaariye Qoorqoor, Maxamed Waare iyo Cabdicasis Laftagareen ayaa la sheegay in ay isla garteen kulan looga arrinsanayo imaanshiyahooda Muqdisho.

Kulankan oo lagu wado inuu ka dhaco Baydhabo ayaa waxaa ay 3-da nin uga tashanayaan sidii laga yeeli lahaa casuumaada loogu fidiyey iney kusoo biiraan shirka Muqdisho ee DF iyo dowlad goboleedyada.

Muqdisho waxaa ku sugan, madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe kuwaas oo sugayo raggaas maqan si ay shir doorashada la xiriirta ula galaan Farmaajo.

Shirkan ayaa la sheegayaa in isbadal loogu sameyn doono Dhuusamareeb 3.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this