Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo nasiib-darro ku tilmaamay fadeexadda ku dhacday Imtixaankii heer Federaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay fadeexadda haraysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay ku dhaceen ardaydii ugu badnayn, gaar ahaanna Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Puntland markii ay diidaysay Intixaanka heer Federaal, ay filaysay in ceebtaas iyo mid lamid ah ay ka imaan doonto Imtixaanka, maadaama aysan  jirin manhaj iyo muqarrar midaysan oo loo diyaarshay Ardayda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in laga been sheegay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee heer Federaal, maadaama qaladaad badani ka jiray dhanka Sixitaanka, iyadoo Imtixaanka ay galeen Arday wax ka barta Degaannada Al-shabaab maamusho, oo aysan waxba ka ogaan Karin Dowladdu.

Mr Deni, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladdu Imtixaanka ku ridday Arday badan oo waalidkood dhib iyo Rafaad ka soo mareen in ay waxbartaan, halkii la doonayay in la tayeeyo Waxbarashada.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Deni oo nasiib-darro ku tilmaamay fadeexadda ku dhacday Imtixaankii heer Federaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this