Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni:Weli waa naga xannibantahay Lacagtii na loo soo mariyay Dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay weli ka xannibantahay lacagtii loo soo mariyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in Lacagta loo yaqaan Budget-support, oo Baniga Adduunku siiyay Soomaaliya, aysan weli waxba ka soo gaarin Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib markii ay ka xannibtay Wasaaradda Maaliyadda heer Federaal.

Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale codsaday in Lacagtaasi loo fasaxo Dowlad Goboleedyada, maadaama ay tahay lacag loogu tala-galay, in la gaarsiiyo Waddanka oo dhan ,si wax loogu fuliyo Arrimaha u baahan Wax ka qabadka.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay in haddii Lacagtaas si sax ah loo gaarsiin waayo dhammaan Dowlad Goboleedyada, ay taasi dhaawac ku keeni karto Kalsoonida lagu qabo Hanaanka Maaliyadda Dalka, xilli lagu jiro Barnaamijka Deyn-cafinta.

Hoos ka daawo halkiisa

PUNTLAND POST

The post Deni:Weli waa naga xannibantahay Lacagtii na loo soo mariyay Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this