Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadhii U Doonannayd Suxufigii La Dilay Ee Jamal Khaashuqji Oo Gaashaanka U Daruurtay Go’aanka Maxkmadda Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Gabadhii u doonannayd Suxufigii la diley ee ahaa mucaaradka Sacuudiga, Jamal Khaashuqji, ayaa ku cambaareysay maamulka Sacuudiga xukunnada kama dambaysta ah ee la xidhiidha dilkii laba sanno ka hor laga geystay magaalada Istanbul.

Maxkamaddu waxay amartay inay muddo xabsi ah ay ku beddelayso shan xukun oo dil ah – laakiin midkoodna dambiilayaasha lama magacaabin, haweenayda u doonan Mr Khashoggi, Hatice Cengiz, wax ay iyana arrintaasi ku tilmaantay “caddaaladdii oo lagu jeesjeesayo”.

Madaxtooyada Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceysay xukunka, waxayna sheegeen in xukunkani ka hooseeyo rejadii Turkiga iyo Beesha Caalamka.

Maxkamad ku taalla Sucuudi Carabiya ayaa xukunka ka khafiifisay shan qof oo loo heystay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018-kii, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.

Raggan ayaa hore loogu xukumay xukun dil ah.

Dacwad oogaha guud ee dalkaas wuxuu sheegay in raggaas lagu riday 20 sano oo xadhig ah maadama qoyska weriyaha ay cafiyeen.

Halka maxkamaddu ay ayidday xukun u dhexeeya 7 ilaa 10 sanno oo lagu riday saddex qof ee kale.

Kaashuqji oo si weyn u dhaleecen jiray xukuumadda Sucuudiga ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda boqortooyada ee Istanbul.

Dowladda Sucuudiga waxay sheegtay in weriyaha lagu dilay howlgal aan fasax loo heysan, dacwad oogayaasha Sucuudiga waxay dacwad kusoo oogeen 11 qof oo aan magacyadooda la shaacin.

Shan qof ayaa lagu riday xukun dil ah kuwaas oo la sheegay in si toos ah ay uga qeyb qaateen dilka halka saddex kalena lagu riday xukun xadhig ah, waxaana lasii daayay saddex qof oo kale oo lagu wax dambi ah lagu waayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this