Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkad Caalami Ah Oo Shaacisay Inay BERBERA U Qorshaysay Xuddunta Kaydka Shidaalka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Trafigura ee ka ganacsata shidaalka iyo saliidda ayaa sheegtay in ay maalingalin ku samaynayso Haamaha Kaydka shidaalka ee Magaalada Berbera.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Trafigura ayaa lagu sheegay in shirkaddu damacsan tahay in Berbera noqoto xuddunta Kaydka shidaalka ee Geeska Afrika.

Shirkadda ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay Xukuumadda Somaliland gaar Ayaan Wasaaradda ganacsiga sida ay ku cadeeyen Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay shirkaddaasi.
Shirkadda Trafigura oo ka shaqaysa shidaalka iyo saliidda la isaga gudbiyo dunida ayaa Xarunteeda ugu weyni ku taalaa Switzerland. waxaanay Todobaadkan Berbera keentay Markabkii ugu horreeyay ee sida Shidaal shirkaddaasi leedahay.

Halkan hoose ka akhriso warkan

https://www.trafigura.com/press-releases/trafigura-to-invest-in-improving-berbera-oil-terminal-to-become-a-regional-supply-hub-with-the-support-of-the-government-of-somaliland?fbclid=IwAR0L9h1-5D9pjmZCjijg4MOL17gGwZQxC7wRBKg3geQkwekhI-CLz0jc7r8

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this