Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo saaka weerar culus ka fuliyey degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar culus oo dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay saaka aroortii hore ku ekeeyeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal foolka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dhex-maray iska hor imaad muddo socday, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse aan si dhab ah looma xaqiijin karo, inta uu gaarsiisan yahay.

Xarakada Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalkaasi iyo weerarka horreeyey ayaa sheegatay inay la wareegtay qeybo ka mid ah degmada, sida xarunta maamulka, islamarkaana ay xabsiga ka sii deysay maxaabiis fara badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale guddoomiyaha Balcad, Qaasim Cali Nuur oo u warramay Shabelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay qabsadeen degmadaasi.

Qaasim ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in dib loo si kiyey Al-Shabaab, islamarkaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay duleedka magaalada.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana degmada ku sugan ciidamada milatariga Soomaaliya oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee xarunta HirShabelle.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this