Deeq A. Posted September 8, 2020 Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle iyo Glamudug ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in halkaasi ay shir wada-tashi ah ay kula qaadan doonaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in shirkaasi lagu gorfeyn doono xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan adkeynta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3. Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta KGM ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Socdaalka Waare iyo Qoor-Qoor ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Muqdisho ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo wada-hadallo la leh dowladda federaalka, si xal mideysan looga gaaro arrimaha doorashooyinka ee 2020/21. View the full article Share this post Link to post Share on other sites