Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka iyo Israel oo dhisaya isbaheysi cusub oo la dagaalami doona Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Imaaraadka iyo Israel oo dhisaya isbaheysi cusub oo la dagaalami doona Iran

 uae-1.jpg

 Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Israel ay dhisi doonaan isbaheysi ka dhan ah Iran, si ay u ilaaliyaan Bariga Dhexe iyo dhulka Mareykanka.

“Imaaraadka Carabta iyo Israel labaduba waxay garowsan yihiin in Iran ay tahay halistooda ugu weyn, sidaas darteed waxay iminka heleen hab ay ku aas-aastaan xidhiihd cusub, taasi oo hadda laga abuuri karo isbaheysi ugu dambeyn xaqiijiya in halistan aysan marnaba soo gaadhin xeebaha Mareykanka ama aysan cidna ku dhaawacin Bariga Dhexe,” ayuu Pompeo u sheegay Fox News.

Pompeo ayaa ku qeexay dhageysiga wada-hadalladii dhex maray ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump “daqiiqad taariikhi ah”.

13-kii August madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay heshiis nabadeed oo dhex maray Israel iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo ay fududeysay Washington.

Abu Dhabi ayaa sheegtay in heshiiska uu ahaa dadaal lagu joojinayo goosashada Tel Aviv ee qeybo ka mid ah Daanta Galbeed ee la haysto, hase yeeshe dadka dhaliila heshiiska ayaa rumeysan in xidhiidh dhex mara labada dhinac laga soo shaqeynayey muddo sanado ah

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sidoo kale kadib heshiiska sheegay in goosashada Israel ee Daanta Galbeed aysan weli meesha ka bixin balse dib un loo dhigay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this