Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin:Ganacsade Soomaaliya oo caawa lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin:Ganacsade Soomaaliya oo caawa lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

dil-300x285.jpg 

ALLAHA u Naxariistee Waxaacaawa lagu dilay Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika Wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku Ganacsata magaaladaas

Marxuum Axmed Xasan  ayaa waxaa toogtay dablay hubaysan oo xabad ku furay, xilli uu ku sugnaa Dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Motherwell.

Waxaa goobta gaadhay Ciidamo Boolis ah oo baadhitaano samaynaya, sida uu  xaqiijiyey Cali Yare Shiikh oo ka mid ah Soomaali badan oo ku baxay dilka Marxuum Axmed xasan.

Port Elizabeth oo ku taalla Gobalka Eastern Cape ayaa waxaa beryihii la soo dhaafay aad ugu soo laba kacleeyey ugaadhsiga Ajaanibta gaar ahaan Soomaalida, waxaana xalay oo ugu dambaysay la weeraray Sedex Dukaan oo Soomaali leedahay, inkastoo mid ka mida la dhacay labada kalena laga difaacay.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this