Deeq A. Posted September 7, 2020 Ciidamada Midowga Africa ee hawlgalka u jooga Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku qirtay iney dad shacab ah ku dileen magaalada Muqdisho xilli ay faah-faahin ka bixiyeen qarax lagula eegtay dagmada Hiliwaa. Bayaanka kasoo baxay AMISOM ee lagu sharaxayay qarax kolonyo ciidamadooda ah lagula eegtay xaafadda suuqa xoolaha, halkaas oo uu ku burburay gaari nuuca xamuulka oo ay lahaayeen ayey ku xaqiijiyeen inuu ku dhintay hal qof oo shacab ah. “September 6th, 2020, mid ka mid ah gawaaridii ka midka ahaa kolonyo ka tirsan Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (Amisom), kuwaas oo kasoo baxay saldhigga Maslax kuna soo jeeday Muqdisho, waxaa Qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Control Balcad. Baaritaanka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaari xamuul ah uu burburay, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ah oo ka ag-dhawaa goobta” ayaa lagu yiri Bayaanka. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa waxyeelo kala duwan u geysta dadka rayidka ah, marka qaraxyada lagula eegto gudaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites