Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo beelaha Hawiye u diray baaq la xiriira ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyihii hore nabad-sugidda qaranka Soomaaliya ayaa beel weynta Hiraab ugu baaqay iney ka tanaasulaan xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya maadaama uu caraf beelay, sida uu hadalka u dhigay.

Sanbalooshe ayaa ka hadlayey casuumad ay Beelaha Mogadishu Clan qado ugu sameeyeen labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo ku sugan Muqdisho si xal looga gaaro xaaladda kala guurka wadanka iyo heshiis laga gaaro nuuca doorashada uu dalka galayo.

Sanbaloolshe oo goobta ka hadlay wuxuu yiri “Ra’iisul wasaarahii waa caraf beelay ee hala iska dhaafo Hiraabow”

Sidoo kale wuxuu madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ugu baaqay ineysan gogoshii Dhuusamareeb iloobin, heshiiskana halagu gaaro Xamar balse waa iney wax walba kusoo xiraan caasimadda Galmudug.

Sanbaloolshe oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon mucaaradka uguna hadal helidda og, wuxuu dardaarmay in la xushmeeyo gogoshii uu dhigay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Hotel Dorbin ayey munaasabadda ka socotaa waxaana ku sugan madaxweynayaashii hore Soomaaliya (Cali Mahdi Maxamed iyo Xasan Shiekh Maxamuud), sidoo kale golayaasha labada aqal ee Federaalka iyo gudoomiyaha xisbiga Wadajir (Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame) ayaa ku sugan.

The post Sanbaloolshe oo beelaha Mogadishu Clan u diray baaq la xiriira ra'iisul wasaaraha cusub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this