Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish oo ka hadlay sababta keentay ardaydii Muqdisho ee ku dhacay imtixaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta hadal ka jeediyey xafladii qalan jebintiisa Jaamacadda ayaa ka hadlay ardaydii gobolka Banaadir ee ku dhacday imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare.

Cumar Filish ayaa sheegay in sababta ardaydaas ay imtixaanka ugu dhaceen ay tahay dadaal yari xagooda ah, isla markaana ay ku mashquuleen isticmaalka aaladda Tiktok iyo muqaadaraadka loo yaqaano Taabuu-ga.

“Waxaad ogtihiin imtixaankii shalay natiijadiisa la shaaciyey ee dugsiga sare lambarka arday ee ka dhacday, qaar ayaa hadda isku deyaaya inay banaanbax sameeyaan, laakiin waalidku ma oga waxa ay ilmahoodu ku mashquulsanyihiin” ayuu yiri.

Cumar Filsih oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri “Waxaa lagu mashquulay Tiktok iyo Taabuu, marka qof kasta oo waxaas tacliintiisa uga mashquulay natiijadaas ayuu dhaxlayaa, qof kasta oo habeeno u soo jeeda dhisitaanka nafsadiisana mustaqbal ayuu dhisayaa, qofkii doonaya in uu meel gaarana runtii habeenuu dhafraa.”

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli gobolka Banaadir oo kaliya ay ka dhacday in ka badan 7,000 oo arday, halka guud ahaan gobollada kalena ardayda dhacday ay ka yaryihiin 2,000 taas oo dhalisay hadal heyn iyo shaki badan oo ku geedaaman imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkan ay qaaday wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka.

The post Filish oo ka hadlay sababta keentay ardaydii Muqdisho ee ku dhacay imtixaanka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this