Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Maraykanka oo xaqiijiyay in askari uga dhawacmay weerar Al-shabaab fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, ee loo sopo gaabiyo AFRICOM, ayaa xaqiijiyay in askari Maraykan ah Maanta lagu dhaawacay weerar ka dhacay Degaanka Jannaa-Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Gaashaanle Sare Christopher Karns, oo u hadlay Taliska AFRICOM, ayaa VOA-du ka soo xigatay in weerarkaas uu dhacay xilli Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ay ku jireen talo-siin iyo taageero ah.

Sidoo kale, wuxuu  tilmaamay in weerarka ay fuliyeen Al-shabaab, islamarkaana u adeegsadeen baabuur laga buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo hoobiye.

G/sare Christopher Karns, waxa uu xusay  in askarigaas xaaladdiisu ay deggan tahay, lana daweynayo, dhaawaca soo gaarayna aanu ahayn mid halis ku ah naftiisa. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xaqiijiyay in weerarka lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Milateriga Maraykanka oo xaqiijiyay in askari uga dhawacmay weerar Al-shabaab fulisay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this