Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidanka Gor-gor iyo kuwa Booliska degmadaasi, waxaana ciidamada dagaalamay ay ahaayeen kuwii ay dowladda geysay Beled-Xaawo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran la xiriira dibad-bax la qorsheeyey inuu ka dhaco halkaasi, balse ay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah ciidanka.

Ugu yaraaan afar qof ayaa ku dhintay iska hor imaadkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo isugu jira askar iyo dad shacav, sida ay  xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobaha lagu diriray goor dambe mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this