Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Soomaaliya oo gaadiid kala wareegtay Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ku wareejisay Gaadiid Ciidan oo loogu tala galay tayaynta Ciidanka xoogga Dalka.

Gaadiidka oo ay Wasaaraada difaaca Soomaaliya ku wareejisay qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka Millitariga, booyado iyo Gaadiid kale.

Sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) ayaa Boqortooyada Ingiriiska ugu mahad-celiyay taageerada Ciidan ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 60-aad oo lagu wareejiyay qaar ka mid ah Gawaari Dagaal noocyadooda kala duwan oo qayb ka ah dib-u-dhiska ciidamdda xoogga Dalka Soomaaliyeed.’ayuu yiri Wasiirku.

Mudane; Ammar dambe ayaa Dowladda UK iyo Shacabkeeduba ugu mahad celiyay sida ay uga soo jawaabtay codsiga Dowladda Soomaaliya ee ahaa in ay kala qeybqaatato dib u dhiska Ciimadamada qalabka sida.

G1.jpg G2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this