Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Rasaas ku furay taageerayaasha nin ay siyaasada iskaga soo horjeedaan oo maxkamad la soo taagayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirad Rasaas ku furay taageerayaasha nin ay iska soo horjeedaan oo maxkamad la soo taagayo

wasiir.jpg

Wasiirka Shaqaalaha Uganda, Mwesigwa Rukutana, ayaa la filayaa in maanta maxkamad la soo taago kaddib markii loo xiray inuu rasaas ku furay taageerayaal.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay taageerayaasha nin ay ku tartamayeen xisbiga talada haya ee (NRM).

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen dhacdadaas, sida ay baahiyeen warbaahinta Uganda.

Mr Rukutana ayaa beeniyay arrintaas.

Warbaahinta ayaa goobjoogayaal ka soo xigtay in wasiirku uu qori ka qaatay mid ka mid ah ilaaladiisa kaddibna uu rasaas ku furay taageerayaasa.

Wasirika ayaa lala xiray saddex ilaaladiisa ah.

Waxaa lagu xukumi doonaa isku day dil, sida uu sheegay ku xigeenka afhayeenka booliiska.

Muuqaal laga soo duubay goobta ay toogashada ka dhacday ayaa la soo dhigay baraha bulshada:

Halkan ka Daawo:-

Former Deputy Attorney General, and current Labour Minister Mwesigwa Rukutana using his gun and guards to threaten agents in yesterday’s primary polls.

He lost the election pic.twitter.com/68eiw8Xin6

— Mujuni Raymond (@qataharraymond) September 5, 2020

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this