Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar ku billowday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ku billoway qarax is-miidaamin ah oo dagaalyahanada Xarkada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Janaay Cabdalle oo qiyaastii 60 KM u jira magaallo xeebeedka Kisaamyo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaxara oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa iyo weerarkuba lala bartimaameedsaday saldhiga ay ciidamada huwanta dhowaan ay ka sameysteen deegaankaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaa dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this