Sign in to follow this  
Deeq A.

Malayshiy-beeleed ku dagaallamay Gobolka Galgaduud oo la kala qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramaya in ay ku guulaysteen kala qaadista laba malayshiya-beeleed oo ku dagaallamay Degaanno ka tirsan Gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Saaka la kala qaaday laba malayshiya-beeleed oo Shalay ku dagaallamay Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa lagu qanciyay in ay isu’gu yimaadaan Gobol nabadeed si loo dhammeeyo Xiisadda Colaadeed ee ka dhex aloosan labada beelood.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka Xananbuurre ayaa laga soo weriyay khasaare kala duwan oo dhinacyadii dagaallamay ah inkastoo aan tirakoob rasmiya laga helin.

PUNTLAND POST

The post Malayshiy-beeleed ku dagaallamay Gobolka Galgaduud oo la kala qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this