Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay inay burburisay gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay-Cabdale oo qiyaastii magaalada Kismaayo 60 KM u jirta ayaa waxay wadaan howlgalo ballaaran, islamarkaasna ay ku xaqiijinyaan ammaanka deegaankaasi.

Saraakiisha Danab ayaa sheegay in ciidanka ay ka war heleen gaari Susuuki ah midabkiisuna yahay Madow oo Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen Walxaha qarxa, kuna soo jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Gaari Hoomey ah oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay sidoo kale sheegeen inay ku qabteen duleedka deegaanka Janaay-Cabdale ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this