Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda waxbarashada oo baaris ku sameyneyso iskuullada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii shalay la shaaciyey natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka ayaa ardayda ugu badan ee sanadkan dhacday waxa ay u badnaayeen kuwa M/Muqdisho.

Wasiiru dowlaha waasarada waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in aysan muhiim aheyn oo kaliya qaadista imtixaanka, balse ay baaris ku sameyn doonaan tayada iskuuladda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in la hubiyo waxa sababay in ardayda gobolka Banaadir ay badan kood dhacaan sanadkaan 2020-ka.

Waa sanadkii 6-aad oo wasaaradda waxbarashada ay qaadeyso imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, wuxuuna sanadkan imtixaanka ku soo aaday, xilli dalka uu ka jiray cudurka faafa ee Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay guud ahaan Caalamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this