Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in 2 ruux oo cusub laga helay COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 25 qof oo looga shakiyay cudurkan safmareenka ah.

Wasaaradda ayaa xustay in Dadka laga helay cudurka oo dadoodu u dhexeyso 26 sano jir illaa 35 jir, ay kunool yihiin magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka waxaa ay sheegtay in 1 qof uu ka bogsaday cudurka COVID-19.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka COVID-19 gudaha Puntland ayaa hada gaartay 405 qof, waxaa u dhintay 9 ruux, halka ay ka bogsadeen 208 qof.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this