Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi (Deni) ayaa weli kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Deni ayaa saacadihii u dambeeyey hoyga uu ka dagan yahay caasimada ku qaabilay, xildhibaano, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa ka mid ah xubnaha uu la kulmay Cabadirashiid Maxamed Xidig oo ka tirasn Xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisalwasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iCabdullaahi Bile Nuur.

Inta badan waxaa kulamadu ay ahaayeen kuwo is xog-wareysi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, siiba shirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka.

Siciid Deni ayaa sidoo kale horey ula kulmay siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, sida Shariif Sheekh Aadan, Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiin kale.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli uusan furmin shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho oo la filayo in go’aan mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda ee 20/21.

The post Madaxweyne Siciid Deni oo weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this