Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Yaaqshiid oo ka warbixiyey toogasho ka dhacday degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulashada maamulka degmada Yaaqshiid, Cabdullahi Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen Miino la doonayey in lagu aaso waddo dhex-marta xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi.

Shiine ayaa tilmaamay in ciidamadu ay toogteen mid ka mid ah raggii aasayey qaraxaasi, islamarkaana ay baxsadeen labo kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wadada la doonayey in la geliyo qaraxa ay si aad u isticmaalaan mas’uuliyiinta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xalay qarax miino uu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this