Deeq A. Posted September 6, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed oo isku haya Ceelal Biyood iyo Dhul-Daaqsimeed. Ugu yaraan illaa 5 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan kuwaas oo ah dhinacyadii diriray, sida uu Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdusho u xaqiijiyey guddoomiyaha Xananbuure, Ceydiid Maxamed Cosoble. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Xoogga dalka oo la geeyey deegaankaasi ay ku guul darreysteen inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana is horfadhiya maleeshiyaadka labada beel ee ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb. View the full article Share this post Link to post Share on other sites