Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay shaqaale Turki ah iyo ciidamo la socday, kuwaas oo marayey wadada isku xirta Xoosh iyo Ex-Control Afgooye.

Warar qaar ayaa sheegaya in hal qof oo ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee la shaqeeya Turkiga ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyey hakaasi.

Muddooyinkii dambe waxaa Muqdisho ku soo badanayey qaraxyada nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this