Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo baaq ku aadan Aqalka Sare u diray madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa baaq ku aadan aqalka sare u diray madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanada golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, halkaas uu qudbo kaga jeediyay kana hadlay arrimo badan oo khuseeya marxaladda wadanka uu marayo.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa Axmed Madoobe u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan hor imaan golaha aqalka Sare, wuxuuna u diray baaq ah inuu hor yimaado golaha.

“Madaxweynaha Soomaaliya waxaan leenahay, madaxweynow labada aqal waa kuu siman yahiin, hal maahan waa laba aqal, waliba kanaa xoogan oo odayaashii fadhiyaan, kusoo dhawaaw madaxweynow aqalka” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa la ogyahay in khilaaf muddo socda uu ka dhaxeeyo madaxweynaha iyo gudoonka aqalka sare, wuxuuna madaxweynaha mar walba door bidaa golaha shacabka.

The post Axmed Madoobe oo baaq ku aadan Aqalka Sare u diray madaxweyne Farmaajo first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this