Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo warbixin siiyay Golaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Khudbad u jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay Xaaladda Jubaland, isagoo sheegay in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxtinimada ee Jubaland ay soo martay Xaalado kala duwan, isla markana ay ka guulaysatay dagaal dhinacyo badan.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynuhu ,in khilaafkii ka dhashay Doorashada xal laga gaaray, haddana si wanaagsan wax ku socdaan ,waxaa uu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in weli isagoo tixgalinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida Siyaasada uu dib u dhigay dhismaha Golaha Xukuumada.

Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in xal waara laga gaaro ,inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, iyadoo gacanta Jubaland lagu soo celinayo Gobolka, taas oo uu xusay in ay fure u tahay in xal kama danbays ah laga gaaro khilaafka mudada dheer u dhexeeyay Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah.

Arimaha Doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in shirarkii Dhuusomareeb ay dadaal badan ku bixiyeen sidii go’aano loo dhan yahay loo gaari lahaa, balse balamahii shirkii Dhuusamareeb labad oo aan hirgalin iyo xaalado kala duwan oo is biirsaday ayna u tegin wajigii saddexaad ee shirkaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii xal kama danbays ah loo gaari lahaa isagoo si gaar ah uga mahad celiyay sida Aqalka Sare uu ugu istaagay in Siyaasada laga heshiiyo.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada maqan ayuu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii labada Aqal ee Baarlamaanka wada shaqayntooda looso celin lahaa.

Arimaha maqaamka Caasimada iyo matalaadeeda ayuu tilmaamay Madaxweynahu in ay u baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago iyadoo ay tahay shaqo laga gaabiyay sidoo kalana aan waxba laga qaban dib u eegista Dastuurka.

1-2.jpg?resize=1000%2C990&ssl=1 2-1.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 3-1.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 4-2.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 5-2.jpg?resize=1000%2C756&ssl=1 6.jpg?resize=1000%2C592&ssl=1 6.jpg?resize=1000%2C592&ssl=1 7.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 8.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1 10.jpg?resize=1000%2C735&ssl=1 11.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo warbixin siiyay Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this