Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo xalay dil ka geystay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Buulo-Xuubey ee degmadaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Axmed Xuseen ayaa waxaa la sheegay inay toogteen kooxo hubeysan oo doonayey inay dhac u geystaan marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in raggaasi oo gaarayey illaa saddex nin ay ku amreen Axmed inuu taleefoonka dhiibo, balse uu ka diiday, taas oo keentay dilkiisa.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Idaacadda Shabelle u sheegay inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi dilka ah, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa caasimadda ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo uu ugu dambeeyey midkii xalay ka dhacay agagaarka isgoys sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this