Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo Maanta Khudbad u jeedinaya Golaha Aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Maanta oo Axad ah la kulmaya Gudoonka iyo Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sida qorshaysan Khudbad dhinacyo badan u jeedin doona Golaha waxaana la filayaa in Khudbaddiisa uu ku soo qaado Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.

Sidoo kale Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka ayaa lagu wadaa in ay Madaxweynaha Jubaland su’aalo ka weydiiyaan Arrimaha kala duwan ee uu kaga hadli doono Khudbadiisa.

Aqalka Sare waxaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaas oo khudbad uu u jeediyay kaga hadlay Xaaladda Puntland iyo sidoo kale Arrimaha Doorashada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo Maanta Khudbad u jeedinaya Golaha Aqalka sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this