Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in jawaan lagu soo qariyey, kadibna la soo dhigay agagaarka isgoyska Sayidka oo ay bar-Control ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay ugu yaraan illaa laba qof oo shacab ah, kuwaas oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan si caadi ku soo laabatay, waxaana shaqeynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this