Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada afar nin oo ay Al-Shabaab ku toogteen Jubbada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Saakow (Caasimadda Online) – Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ku toogtay afar nin oo ay ku eedeeyeen iney basaasiin u ahaayeen Soomaaliya, Mareykanka, Kenya iyo qaramada midoobe.

Dadka ladilay waxaa ku jiray 57-sano jir, dagmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ka tirsan ayeyna toogashadaan shalay ka dhacday.

Waxaa lasoo bandhigay shaqsiyaadka la toogtay magacyadooda, da’da ay jiraan iyo sababta loogu fuliyay xukunka.

1. Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo 57-sano jir ah, waxaa lagu eedeyay inuu la shaqeynayay sirdoonka Kenya.

2. Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27-jir ah, waxaa la sheegay inuu la shaqeynayay hay’adaha sirdoonka Soomaaliya.

3. Maxamed Aadan Xasan (Maxamed Kheyr) oo 51-jir ah waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada mareykanka iyo Qaramada Midoobe, kulana kulmay xerada Xalane.

4. Cali C/raxmaan Cabdi oo 33-jir ah ayaa isna lagu eedeeyay inuu sirdoonka Soomaaliya ka tirsanaa.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa badanaa sameeya baaritaano la xiriira iney ku baadi goobayaan dad la shaqeeyay kooxaha ay dagaalka kula jiraan, dhawr jeer ayey sidaan oo kale dhacday waxeyna sheegaan in dadka ay qabtaan ay qirasho sameeyaan.

The post Magacyada afar nin oo ay Al-Shabaab ku toogteen Jubbada Dhexe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this