Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dad rayid ah ku laayay degmada Saakow ee Jubada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab, ayaa Shalay dad rayid  ah ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Saakow ee Gobolka Jubalada dhexe.

Dadka la toogtay oo dhammaantood rag ahaa, waxay maxkamadda Al-shabaab ku tilmaantay, in ay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya, Maraykanka, Kenya iyo sidoo kale Qaramada Midoobay.

Maxamed Aaden Xassan, Cismaan Faarax Dhaqane, Cali Cadiraxmaan Cabdi iyo Cabdi Sahal Dhabbar Cabdi Xarqi, ayay Al-shabaab ku sheegtay magacyada marxuumiinta lagu dilay Saakow.

Waxaa xusid mudan, in aysan goobta ku soo bandhigin caddayma muujinaya xiriir ka dhexeeyay ragga la toogtay iyo dalalka lagu eedeeyay in ay baasiin u ahaayeen.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyay dilal ku fulinayay dad kala duwan, oo ay ku eedaynayeen basaasiin, kuwaas oo lagu toogtay degmooyin ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubada dhexe.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dad rayid ah ku laayay degmada Saakow ee Jubada dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this