Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo qarka u saaran dagaal sokeeye

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa tallaabada ay ka qaadi karto gobolka Tigray oo dadkiisu dhowaan u dareeri doonaan dooraashooyin ismaamulid. Xisbiga Tigray People’s Liberation Front, oo ka taliya Tigray, wuxuu ku gacansayray baabi’inta xisbigii EPRDF iyo samaynta xisbiga Badhaadhaha (Prosperity).

Madax-xanuun siyaasadeed ayay doorashooyinka Tigray u keeneen Abiy Axmed oo awood-urursi talisyadii hore ee Itoobiya caanka ku ahaayeen doonaya inuu ku maamulo Itoobiya. In ka badan 80 qowmiyadood ayaa ku nool Itoobiya. TPLF waxay noqotay ciidanka Difaaca Itoobiya 1991kii inkastoo markii dambe Meles Senawi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Itoobiya, iskudhaf ciidan oo qawda maqashii ah sameeyay.

WhatsApp-Image-2020-09-04-at-19.19.44.jpRa’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, way soo wada shaqeeyeen

Muddo 27 sano Tigray waxay u diyaargaroobaysay isbeddel siyaasadeed oo dagaallo sokeeye dib ugu soo celin kara Itoobiya. Ciidanka helay tababbarka ugu fiican ayuu gobolka Tigray leeyahay. Hubka Itoobiya ugu badan wuxuu yaallaa Tigray, oo xudduud la leh Eritreeya. Abiy wuxuu isku halaynayaa Isias Afwerke, madaxweynaha Eritreeya, oo taageero uu Tigray ku weeraro ka haysan dadkiisa. Haddii doorashooyinku dhacaan waxaa dowladda Itoobiya ku iman doona cadaadisyo si gobolladu u helaan xaq la mid ah kan Tigray cudud ku heshay.

Dowladda Itoobiya waxay xabsiga u taxaabtay siyaasiyiinta ugu saamaynta badan Oromada oo uu Abiy Axmed u arkayo inay awooddiisa siyaasadeed halis ku yihiin. Itoobiya waa dal marba hal qowmiyad ay dadka intiisa kale u taliso. Jawaar Maxamed oo hadda xiran kana tirsan Xisbiga Federaalka Oromada wuxuu sheegay “in Oromada, Amxaarada iyo Tigreegu ku loollamaan xukumidda Itoobiya.”

© Puntland Post, 2020

The post Itoobiya oo qarka u saaran dagaal sokeeye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this