Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil Iyo Kosovo Oo Xidhiidh Dublumaasiyadeed Sameysanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Serbia iyo Kosovo ay wanaagiyeen xidhiidhkooda dhaqaale, taasi oo qeyb ka ah wadahadallo uu Mareykanku gadh-wadeen ka yahay oo ay ka mid tahay in Belgrade ay safaaraddeeda Israa’iil u wareejiso magaalada Jerusalem, iyo in Israa’iil iyo Kosovo ay is-ictiraafaan.

Ka dib kulamo laba maalmood qaatay oo ay la yeesheen saraakiisha maamulka Trump, Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic iyo Ra’isulwasaaraha Kosovo Avdullah Hoti ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha si loo soo jiito maalgashi loona abuuro shaqooyin.

Ku dhawaaqista ayaa Trump siinaysa guul dublomaasiyadeed ka hor doorashadii madaxtinimada ee dhacaysa 3-da bishii November, iyadoo sii kordhinaysa dadaalka maamulkiisa ee lagu hagaajinayo maqaamka Israa’iil ee dunida.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo ballanqaad dhab ah oo taariikhi ah,” ayuu Trump ka sheegay Xafiiska Oval, isagoo ay garab taagnaayeen labada hoggaamiye oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga dhaqaale.

Trump ayaa sheegay in Serbia ay ka go’an tahay in ay bishan xafiis ganacsi ka furato magaalada Jerusalem, safaaraddeedana ay halkaasi u wareejiso bisha July.

Go’aanka Serbia ee ah in ay safaaraddeeda Tel Aviv u wareejiso Jerusalem ayaa ah mid aysan fileyn Israel iyo Mareykankaba.

Maamulka Trump ayaa dhammaadkii 2017-kii Jerusalem u aqqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel, iyadoo bishii May ee sanadkii 2018-kii u raray safaaradda Mareykanka magaaladaasi.

Maamulka ayaa ku dhiiri geliyay wadamada kale in ay sidaas oo kale sameeyaan, laakiin waxaa tallaabadaasi si weyn u dhaleeceeyay Falastiiniyiinta iyo in badan oo reer Yurub ah kuwaasi oo sabab kaga dhigay in aan wali la xallin khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Kosovo oo ah dal ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaan waligeed aqoonsan Israa’iil sidoo kale Israel ma aqoonsan Kosovo.

Ra’isulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Serbia in uu safaaradda dalkaasi u rarayo magaalada Jerusalem.

Wuxuu xaqiijiyay in Israel iyo Kosovo ay dhisi doonaan xiriir dublomaasiyadeed, isaga oo xusay in Kosovo ay sidoo kale safaaraddeeda ka furan doonto Jerusalem.

“Kosovo waxa ay noqoneysaa dalkii ugu horreeyey ee Muslimiintu u badan yihiin ee safaaraddiisa ka furta Jerusalem,” ayuu yidhi Netanyahu. “Sidii aan dhowaan sheegay, goobaabinta nabadda iyo aqoonsiga Israel waa ay sii ballaaranayaan, waxaana la filayaa in ay wadamo dheeri ah ku soo biiraan,” Ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, wadar ahaan ilaa afar dal ayaa ilaa haatan u aqoonsaday magaalada lagu muransan yahay ee Jerusalem in ay tahay caasimadda Israel, waxaana dalalkaasi ka mid ah Mareykanka iyo Guatemala. Falastiiniyiinta ayaa sheegay in bariga Jerusalem oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii ay u tahay caasimad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this