Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf Ka Taagan Doorashooyinka Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Ismaamulka Tigrey ee dalka Itoobiya ayaa ku adkeysanaya inay qabtaan doorashada baarlamaanka ismaamulka Tigrey oo dhacaysa arbacada soo socota, iyagoo iska dhega tiraya go’aanka dowlada federalka ee joojinaya in la qabto doorashoyinka sannadkan.

Hase yeeshee dowlada federalka Itoobiya iyo inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa oggolaaday in dib loo dhigo doorashooyinka heer maamul gobolleed iyo heer qaran ee lagu waday inay dhacaan bishii August ee sannadkan sababo la xidhiidha cudurka safmarka ee COVID-19.

“Waxaan ognahay in Abiy uu diidan yahay in ay dhacdo doorashadan lagana yaabo in si milatari ah u farogeliyo amaba uu dhaqaalaha jarto balse waan qabanaynaa doorashada.”ayuu yidhi Getachew Reda oo hore u soo noqday wasiirka warfaafinta dowlada federalka Itoobiya haddana ah afhayeenka jabhada xoreynta Tigray.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka Itoobiya balse afhayeenka xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay u taal baarlamaanka Itoobiya.

Tigray oo ah gobol ku yaal waqooyiga Itoobiya ayaa ah dad aad u yar marka loo eego tirada dadka ku nool waddanka Itoobiya oo tiradoodu gaadheyso 110 malyan balse waxa ay maamulayeen dalkaasi tan iyo sannadkii 1991kii

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this