Deeq A. Posted September 5, 2020 Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan caqabadaha hortaagan furitaanka shirka dowladda, Jubbaland & Puntland. Wararka ayaa sheegaya in kulankan oo saacado badan qaatay xal horudhac ah looga gaaray arrinta G/Gedo oo ka mid aheyd shuruudihii uu soo bandhigay Axmed Madoobe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in arrintaasi loo saaray guddi gaar ah oo min hal xubnood ah, kaas oo ka shaqeynaya sida xal-waaea looga gaari lahaa arrintaasi. Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka taagnaa is mari-waa u dhexeeyay dowladda, Jubbaland iyo Puntland, taas oo keentay inuu dhoco shirka u dhexeeyay dhinacyadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites